Wax ka baro autism/Otisim
waa bog muhiimadiisu tahay wacyigalin iyo fikrad waydaarsi ku salaysan sheekooyin shaqsiyeed.

Waa maxay otisim/autism?

Calaamadahee lagu gartaa autism/otisim?

Nolosha wiilkeyga qaba autism/otisim.

soo dhawow

Waxaan ahay hooyo heysta wiil qaba otisim/autism, ahna kalkaaliso caafimaad oo muddo dheer ka soo sheeqayneysay waddanka Ingriiska, haddana ku hawlan diyaarinta shahaadada masters ka ee kalkakaalisonimada caafimaadka. Boggaan waxaan ugu talo galay inuu u noqdo dadka afka soomaaliga ku hadlo wacyi galin iyo meel ay ka heli karaan macluumaadka ku saabsan waxa uu yahay otisim/autism. Waa bog aan kusoo daabici doono haduu Alle idmo fikradeyheyga iyo waano guud anoo adeegsanaya nolosha wiilkeyga waxaan ka bartay oo rajeynayana in waalidiinta ayaguna leh caruur qaba otisim ku dareemaan in dareenkooda la la qabo.

sababtaan boggan u sameeyey

Waxaan ahay hooyo heystaa saddex caruur ah. Caruurtayda mid ka mid ah ayaa waxuu qaba otisim/autism. Waxaana ahay kalkaaliso caafimaad, oo muddo dheer waddanka UK ka hawl galaysay, haddana waxaan ku gudo jiraa diyaarinta shahaadada masters ka kalkaalisonimada caafimaadka si aan aqoonteyda usii balaadhiyo.

 

Maaddadii ugu horreysay ee aan ka baranayey barnaamijka shahaadada waxay ahayd diyaarinta qoraal cilmi-baaris ah oo ku saabsan mawduuc aan xiiseeyo ama goobta aan ka shaqeeyo. Sidaas darteed, waxaan go’aansaday inaan wax ka qoro aragtida Soomaalida ee ku aaddan xaaladda loo yaqaan autism ama autism spectrum disorder. Intii aan qoraalkan diyaarinayey, waxaa ii soo baxday in fikrado badan oo Soomaalidu ka qabaan autism ay yihiin kuwo khaldan ama aan waafaqsanayn waxa maanta laga yaqaan autism. Sidoo kale, waxaan ogaaday in dad badan oo Soomaali ah aysan si buuxda u fahamsanayn waxa uu yahay autism, qaarkoodna ay gebi ahaanba inkiraan jiritaankiisa.

 

Tani hadaba waxay igu dhalisay, in aan boggaan sameeyo, si aqoon korodhsigii aan markii hore ugu talo galay naftayda qudha iyo sidii aan u caanwin lahaa wiilkeyga, aan haatan la wadaago ummada afka Soomaaliga ku hadasho. Si ayaguna ku faaiidaan ama ay dad badan ugu noqoto wacyi galin, halka dad kalena ay ugu noqon taageero iyo inay dareemaan in ayna cidlo ku ahayn xaaladda ay ku jiraan.

 

Waxaan rabaa inaan la wadaago waxa aan ka bartay nolosha wiilkeyga, sababaha igu dhaliyay inaan u maleeyo inuu qabo autism, jidadkii aan maray si aan ugu helo caawimaad, heerarka uu soo maray, iyo isbeddelada ku yimid. Waxaan rajeynayaa in dadka qaarkood ka faa’iideysan doonaan waxyaabaha noo shaqeeyay, halka kuwo kalena ka baran doonaan qaladaadkayaga.

 

Insha’Allah, waxaan rajeynayaa in boggan uu anfaco dad badan maadaama aysan internetka ku badneyn bogag noocan oo kale ah oo ku qoran afka Soomaaliga.

 

Haddaba, haddii aad tahay waalid haysta ilmo qaba autism, ama aad rabto inaad wax ka barato autism si aad uga caawiso dadka kale, fadlan taageer boggaan.

Waad ku mahadsantay akhrinta qoraalkan.

flower, heart, nature-8749819.jpg

ila wadaag waxaad su'aal qabtid

Waxii aad su’aal qabtid ama hadii ay jiraan mawduucyo gaar ah ood  jeclaan lahayd inaan boggaan ku soo daabaco si dadka kale uga faaiidaan fadlan ila wadaag.