Waa maxay autism/otisim?

Autism, ama otisim, oo sidoo kale loo yaqaanno autism spectrum disorder (ASD) ama autism disorder, waa xaalad keenta in qofka qaba uu si ka duwan u fikiro ama u dhaqmo marka loo eego dadka kale. Autism waa xaalado kala duwan oo is biirsaday, sidaas darteed qof kasta sigooni ah bay u saamayn kartaa oo labo qof oo ay isku si u saameyso ma leh. Waxay saameyn ku yeelataa sida qofku ula dhaqmo dadka kale, sida uu xadhiidh ula sameeyo dadka kale, hadalkiisa, iyo dareemihiisa (sida maqalka, dhadhanka, urta, ama aragtida, kuwaas oo mararka qaarkood ka xoog badan ama ka hooseeya heerka caadiga ah), waxaana intaas dheer, autism waxay keeni kartaa in qofku uu si xooggan u xiiseeyo waxyaabo gaar ah, kuwaas oo xiisahoodu is beddeli karo waqti ka waqti.

 

Maaddaama autism-ku yahay xaalad ballaadhan oo saameyn kala duwan ku yeelan karta qofka qaba, waa xaalad heerkeedu kala duwan yahay. Dadka qaarkood waxay u baahan karaan caawimaad badan si ay noloshooda u maareeyan, qaarna qof kale ayey si buuxda ugu tiirsanaan karaana si ay baahidooda maalinle u daboolaan. Halka dadka qaarkood ay saameyntu ku yartahay oo ay awoodaan inay nolol madax-bannaan yeeshaan.