Maxaa Keena Autism? Balaadhi fahankaaga

Autism Spectrum Disorder (ASD), oo loo yaqaan autism, waa xaalad saameyn karta habka qofku u fekero, ula xiriiro dadka kale, iyo hab-dhaqankiisa. Autism waa xaalad cimri dheer oo lagu dhasho, waxaana inta badan la ogaadaa intuu ilmu yaryahay. Inkastoo aan wali la helin sabab sax ah oo autism keenta, cilmi-baaris ballaaran ayaa soo bandhigtay in hal sabab kaliya aysan keenin autism balse ay jiraan sababo dhawr ah oo keeni kara autism. Sababahan qaarkood yaan hoos ku faahfaahsan.


1. Genetics iyo Hidde-wadaha

Cilmi-baarisyo badan ayaa muujinaya in genetics-ku ay door weyn ka ciyaaraan sabaha  autism ku yimaado. Xubnaha qoysaska ee leh taariikh ku saabsan autism ayaa leh halis sare oo ah inay yeeshaan carruur qaba autism. Qaar ka mid ah hidde-wadaha la xiriira autism ayaa laga helay cilmi-baarisyo kala duwan, waxayna soo jeedinayaan in isbeddelada hidde-wadaha qaarkood ay saameyn ku yeelan karaan koboca maskaxda iyo hab-dhiska dareenka. Sidaas awgeed waxaa badna la arka in ay jiraan qoysas hal cunug ka badan uu ka qabo xaaladan autism, waxaana la aaminsanyahay in sabata ugu way ee keenta autism uu yahay hidde-raac iyo dhaxal lakala dhaxlo, waxaa kaloona la rumeysanyahay in hal hidde-wade kaliya uuna sababin balse ay jiraan hidde-wadayaal kala duwan oo keeni karaa otisim.


2. Deegaanka iyo Cuntada

Inkasta oo genetics-ku uu yahay sabab weyn, arrimaha deegaanka iyo cuntada ayaa sidoo kale door ku yeelan kara waxa sababa autism. Tusaale ahaan, qashin-qubka deegaanka, sunta warshadaha, iyo xasaasiyadda cuntada ayaa lagu eedeeyay inay saameyn karaan caafimaadka maskaxda. Cilmi-baaris ayaa tilmaantay in hooyooyinka qaarkood oo la kulma sunta deegaanka inta ay uurka leeyihiin ay halis sare u leeyihiin inay dhalaan carruur qaba autism.


3. Isbeddelada Maskaxda iyo Kimikaalka Maskaxda

Daraasado ayaa soo jeediyay in isbeddelada qaab-dhismeedka maskaxda ama khaladaadka kimikaalka maskaxda ay ku lug leeyihiin autism. Xaalado badan, unugyada maskaxda ee ka mas’uulka ah xidhiidhka iyo isgaarsiinta ayaa laga yaabaa inay si sax ah u shaqeyn waayaan. Tusaale ahaan, neurotransmitters-ka (kiimikooyinka maskaxda ee xidhiidhka ka dhexeeya unugyada maskaxda) sida serotonin iyo dopamine ayaa laga helay inay door ku leeyihiin autism.


4. Hooyada Xilliga Uurka iyo Dhalmada

Arrimo caafimaad oo dhacaya xilliga uurka ama dhalmada ayaa sidoo kale lagu tuhunsan yahay inay saameyn ku yeeshaan keenida autism. Infekshanka xilliga uurka, isticmaalka daawooyinka qaarkood, ama xaaladaha caafimaad ee adag ee hooyada ama ilmaha saameeya ayaa noqon kara sababo suurtagal ah in ay lug ku yeeshaan keenida autism/otisim. Waxaa kaloo la aaminsanyahay in ilmaha dhiciska ah ama kasoo hormara shinkiisa sida kuwa ku dhasha 26 isbuuc ka hor in ay keeni karto autism. Cilmi-baaris ayaa soo jeedisay in walxaha qaarkood sida infekshanka rubella xilliga uurka ama isticmaalka daawooyinka qaarkood inta lagu jiro uurka ay kordhin karaan halista autism.


Maxaa La Sameyn Karaa?

Haddii aad ka walaacsan tahay horumarka ilmahaaga ama aad qabto su’aalo ku saabsan autism, waxaa muhiim ah inaad la tashato xirfadle caafimaad. Baaritaan hore iyo faragelin hore ayaa muhiim ah si loo caawiyo carruurta qaba autism inay helaan taageero ku habboon iyo adeegyada ay u baahan yihiin.


In kasta oo aan wali la helin sabab sax ah oo autism keenta, cilmi-baarisyo cusub ayaa soo ifbaxaya maalin walba, taasoo noo horseedeysa faham dheeraad ah oo ku saabsan xaaladdan. Waxaa muhiim ah in bulshada ay fahamto islamarkaana taageerto dadka qaba autism iyo qoysaskooda, iyadoo la siinayo wacyi-gelin iyo taageero joogto ah.

Autism waa xaalad nololeed oo saameysa malaayiin dad ah oo dunida ku nool, fahamkeedana waa muhiim si loo abuuro bulsho isfahansan oo isku xiran.


Marka la eego isbeddelada joogtada ah ee cilmi-baarista, rajada ah in la helo sababaha saxda ah iyo wax qabadka waxtarka leh ayaa sii kordheysa. Ilaa iyo markaas, fahamka qotada dheer ee arrimahan ayaa naga caawin kara inaan si wanaagsan u taageerno dadka qaba autism iyo qoysaskooda.