Sideen ku baray aan Xamse Hadalka?

 

Xamse, oo ah wiilkayga, wuxuu lahaa caalamado muujinaya inuu yahay ilmo hadalku kasoo daahay, taas oo qayb ka ahayd astaamaha autism-ka. Markii aan arkay in hadalkiisu soo daahay, waxaan go’aansaday inaan ka caawiyo sidii uu hadalka ugu horumari lahaa. Waxaan u gudbiyay khubaro ku takhasustay Tababarka Hadalka iyo Afka (Speech and Language Therapy). Markaan u tagnay, waxay na siiyeen talooyin iyo tababar shan toddobaad socday oo loogu talagalay waalidiinta, si ay uga caawiyaan carruurtooda barashada hadalka.

 

 

Talooyinkii Loo Soo Jeediyay:

  1. Waqti Gaar ah U Samee: Waxay na bareen inaan maalin walba shan daqiiqo u qoondeyno Xamse si aan ugu barno hadalka, isaga oo aan wax kale ku mashquulin.
  2. Ciyaar La Wadaag: Waxaan la fariisanay Xamse, annaga oo agtiisa dhignay waxyaabaha uu jecelyahay si uu u doorto, dabadeedna aan kula ciyaarno.
  3. Erayo Cusub Soo Raaci: Mar walba erayada uu yaqaanno hal eray oo cusub ugu dar si uu u barto.
  4. Waqti sii: Sii waqti uu ku fakaro oo ku soo celiyaan hadalka.

 

Caqabado Kala Kulmay Talooyinkaas

 

Inkasta oo talooyinkan ay wanaagsan yihiin oo ay dad badan caawin karaan, haddana annaga nama caawin. Xamse wuxuu ahaa ilmo jecel inuu dhulka iska seexdo ama isku kaa duubo oo ku hab siiyo, taas oo adkaysay in talooyinkaasi wax ka beddelaan xaaladiisa. Sidaas darteed, waxaan dareemay inaan ka fakaro hab kale oo aan caawiyo Xamse.

 

 

 

Fikirkayga iyo Dadaalkayga Shaqsiga ah

 

Markii uu Xamse labo sano iyo badh ahaa, waxaan arkay inuu fahmaayo wax walba, balse uusan hadalka soo celinayn. Waxaan ogaaday in marka ilmuhu uusan hadlin, dadku aysan aad ula hadlin, taas oo aan garwaaqsaday inay khalad tahay. Waxaan go’aansaday inaan Xamse ula hadlo sidii qof weyn, oo aan u sharraxo wax walba oo aan sameeyo. Waxyaabaha uu rabo, waxaan uga tegi jiray meel u dhow si uu iiga dalbado.

 

Muddo saddex bilood ah markii aan sidaas ku waday, Xamse wuxuu yiri eraygiisii ugu horreeyay: “Hooyo geed,” asagoo farta ku fiiqaya daaqadda bannaanka ah. Farxad weyn baan dareemay, waana xusuus ilaa maanta igu jirta.

 

 

 

Guulaha iyo Horumarka

 

Kadib markii uu Xamse bilaabay hadalka, wuxuu maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhiyay erayadiisa. Waxaan sii adkeeyay dadaalkayga, waxaana ogaaday in Xamse uu la socdo wax walba oo ku hareeraysan, inkastoo uusan hadalka qayb ka noqon haddii aysan ku saabsanayn waxa uu daneynayo. Waxaan bilaabay inaan waxbaridda gabadheyda u isticmaalo si aan ugu ag baro Xamse, anigoo og inuu dhagta igala socdo.

 

Hadda Xamse waa shan jir, Alxamdulilaah, hadalkiisuna waa fasiix, wuxuuna aad ugu fiican yahay akhriska, qorista, iyo fahamka luqadda, iyadoo da’diisa ka sarreeya. Si kastaba ha ahaatee, wali waxaa ku adag xiriirka bulshada iyo sida dadka loola sheekeysto, inkastoo uu hadda bilaabay inuu i waydiiyo su’aalo uu horay u danayn jireen, taasoo ah horumar aad u weyn.

 

 

 

Dadaalka Hadda

 

Dadaalkaygu wuxuu hadda ku wajahan yahay sidii aan Xamse u bari lahaa xiriirka bulshada iyo sida uu ula dhaqmi lahaa dadka. Waxaan ku dadaalayaa inaan u baro sidii uu u noqon lahaa qof isku filan, saaxiibo samaysan kara, oo fahmi kara dareenka iyo xidhiidhka dadka kale. Waxaan isticmaalaa buugaagta ka hadla arrimahan, laakiin inta badan waxaan ku tiirsanahay dareenkayga iyo waxa aniga iila quman.

 

 

Schoolkuna waa lagu caawiyaa Xamse, waxaana codsaday inay mar kale u diraan tababarka hadalka iyo luqadda si looga caawiyo arrinkan.

 

 

Markii aan si fiican u fahmay Xamse oo aan bilaabay inaan caawimaad ku haboon siiyo, Ilaahay wuxuu u furay hadalka. Mar walba ilmahaaga u ducee, Ilaahayna ka bari inuu hadal khayr qaba ka keeno. Waxaadna u fiirsataa ilmahaaga baahidiisa si aad caawimaad ku haboon u siiso.

 

Gunaanad: Qaab kasta oo ilmahaagu wax ku baran karo, ku bar. Ilmo aan wax baran karin ma jiro. Dadaal, natiijadana Ilaahay u daa. Haddii aad wax ka faa’iiday, fadlan la wadaag dadka kale ee aad u maleynayso inay anfici karto.