Wiilkayga waxaa shan sano ooga hadhsan shan maalmood, waxaana sheekadiisa ka bilaabayaa uur galkiisii hore si aan ula wadaago xaaladihii ku xeeranaa dhalashadiisa iyo calaamadihii ugu horreeyay ee igu dhiirrigeliyay inaan isleeyahay wuu yeelan karaa autism. Haddii aadan hore u akhrisan sababta aan arrimaha wiilkayga ugu qorayo boggan, waa inaan la wadaago waalidiinta kale ee booskan jooga si ay, Insha Allah, uga faa’iideystaan waxyaabaha noo hagaagay, kana digtoonaadaan waxyaabaha naga qaldamay. Sidoo kale, waxaan aaminsanahay in carruurta sida wiilkayga ah ay yihiin kuwa ugu badan ee caawimaad la’aanta ku dhacda, iyadoo inta badan la yiraahdo ‘waxba ma qabo’, ‘waa caadi’, ama erayo la mid ah, sidaas awgeed waxaan rajeynayaa inay dad badan wacyi galin u noqoto.
Calool galikii wiilkeygu waxuu ahaa mid caadi aha markii laga fiiriya dhicnaca sida uu ilmahu u koraayey. Scan kastoo la isaaray waxuu muujinaayey in wax walba ay fiicanyihiin oo uuna babygu wax dhib ah qabin. Balse, markii laga eega dhinaca sida aan anigu dareemaayey waxay ahayd uur aad ugu dhib badnaa nafteyda. Xaalado kala duwan oo ku xeernaa xiliga aan uurkiisa lahaa awgeed waxaan dareemayey maskixiyan daal, culeeys iyo murugo badan. Xaaladahaas waxaa ka mid ah inaan ahaa hooyo cusub oo ugub ah heysatana baby yar oo markaas jiray sagaal bilood, in labo bilood ka hore uur gal ka wiilkaygu, uu uur kale iga soo dilmay, iyo in uurka wiilkeyga xanuun jidh ahaaneed uu igu keenay sida inuu neerfo xagga miskaha igaga istaagayey markuu dhaqaaqaba iyo kuwa kale. Waxaa kaloo markaas jirtay arrimo intaan ka baxsan oo iyaguna iigu sii biirinaysa dareenkaan qabay markaas iyo saan ahaa. Marmar waxaan isdhahaa anoo ogsoon in wax caddeyn ah jirin oo sheegaya in sida hooyadu dareemaysa xilliga uurka ay saamayn kuleedahay keenistaa xaalada autismka, hadan waxaan is dhahaa show way saameysay, waxaana ogahay in hooyooyin badan saan dareemaan, balse ma ahan sax . Hadii aad tahay hooyo dareemayasa saan ama ay jiraan dad kugu eedaynaya, fadlan ogow adigu uma tihid sabab waxaa ku keenay ilmahaaga autism. Alxamdulilaah hadda wax yaabahaas waan ka bogsatay.
Bilawga noshiisa
Anigu waxaan ahay dadka waxa la yidhaa jajabowga uu ku bilowdo xilli hore, taas oo fool yar oo joogta ah muddo dheerna socoto ilaa foosha caadiga ah laga gaadho. Inkastoo xaaladani aad u dhibadantahay haddana waxay fududeysaa foosha caadiga markay timaado. Sidaas awgeed maadaama aan fool dheer oo yar kusoo jiray muddo dheere makrii foosha caadiga ah ay ii bilaabatay, wakhti yar buu kusoo dhashay, waxuuna u dhashay si caadi ah wax dhib ahna babyga iyo anigu midna lama kulmin.
Waxuu dhashay asagoo caafimaad qaba, oo waliba aad u quruxbadan. markuu dhashay kadib noloshiisa hore waxay ku bilaabatay sifiican. Naas buu nuugi jiray balse waxuu ahaa ilmo marwalba gaajaysan sidaas awgeed waxaan u raaciyey naaska hal masaasad oo caana ah maalinkii. Waxoogeeyay waxaa ku yara daahahy cagaarshowka caruurnimada ee ilmuhu markay soo dhashaan, taasna waxay ahayd wax caadi ah oo lagu yaqaano caruurta naaska nuugta.
Wiilkaygu waxuu ku bilaabay hadaaq iyo inuu qoslo oo dhoola caadiyo xilliga caadiga ah, waxuuna fadhi bartay markuu ahaa shan bilood.
Hadaba goormay wax is badaleen, goormaanse ogaaday waxuu kaga duwanyahay gabadheyda iyo caruuraha kale?
gadaal kala sooco.