Daraasado badan ayaa tilmaamaya in heerarka hoose ee Vitamin D ay xiriir la leeyihiin autismka. Vitamin D wuxuu door muhiim ah ka ciyaaraa horumarka maskaxda iyo difaaca jirka, wuxuuna yareeyaa halista cudurrada maskaxda. Hooyooyinka leh heerar hoose oo Vitamin D ah intii lagu jiray uurka ayaa halis ugu jira inay dhalaan carruur qaba autism.
Cilmi baaris ayaa muujisay in carruurta qaba autism badanaa ay leeyihiin heerar hoose oo Vitamin D ah. Daraasado kale waxay baadhayaan in kordhinta Vitamin D ay hagaajin karto astaamaha autismka.
Saamaynta Hoos-u-dhaca Vitamin D:
-
- Inta lagu jiro uurka: Hooyada oo heerar hoose leh intii ay uurka lahayd waxay kordhin kartaa halista carruur ay ku dhacaan cudurro la xiriira horumarka maskaxda sida autism. Vitamin D wuxuu gacan ka geysanayaa horumarinta dareenka iyo habka difaaca ilmaha uurka ku jira. Daraasad la sameeyay waxay muujisay in carruurta hooyadood leh heerar hoose oo Vitamin D ah ay u badan tahay in laga helo astaamaha autism.
-
- Horumarka Maskaxda: Vitamin D wuxuu leeyahay door muhiim ah oo ku saabsan dhismaha iyo shaqada maskaxda. Cilmibaarisyada qaar waxay soo jeediyeen in caruurta heerar hoose oo Vitamin D ah ay la kulmaan dhibaatooyin ku saabsan barashada iyo dhaqanka, taas oo kor u qaadi karta halista autismka.
Kordhinta Vitamin D iyo Daawaynta Autismka
Daraasado dhowaan la sameeyay ayaa muujinaya in kordhinta heerarka Vitamin D ee carruurta qaba autism ay yareyn karto astaamaha la xiriira. Tusaale ahaan, caruur qaata kaabista Vitamin D waxay muujiyeen horumar ku saabsan isku xirnaanta bulshada, is fahanka, iyo yareynta dabeecadaha kacsan ee ay ku adag tahay la qabsiga.
Gunaanad:
Isku xirka Vitamin D iyo autismka waa mowduuc cilmi baaris weyn ku socoto, laakiin waxa si cad loo fahmay muhiimadda Vitamin D ee horumarinta maskaxda iyo shaqada habdhiska dareenka. Si loo yareeyo halista xaaladaha maskaxda, gaar ahaan autismka, waxaa muhiim ah in bulshada la wacyigeliyo oo la dhiirigeliyo qaadashada heerar ku filan oo Vitamin D ah.
Xigashooyinka:
-
- Cannell, J. J., & Grant, W. B. (2013). Autism and Vitamin D. https://www.ncbi.nlm.nih.gov