Nolosha Xamse ilaa uu labo sano ka gaadhayey

Intii lagu guda jiray sagaalkii bilood ee ugu horreeyay noloshiisa, Xamse kamaan dareemin wax ka duwan sida carruurta kale u korayaan. Wuxuu ahaa ilmo deggan oo aan oohin badnayn, mar walbana wuu dhoolacadeyn jiray wuuna qosol badnaa. Sidoo kale, wuxuu u hadaaqi jiray sida carruurta da’diisa ah. In kasta oo uu habeenkii naaska u soo kici jiray si joogto ah, haddana taas wax dhibaato ah uma arkin maadaama ay caadi tahay in carruur badan ay habeenkii soo kacaan markay sagaal bilood jiraan ama ka yar yihiin. Anigu waxaan had iyo jeer ka dareemi jiray calool xanuun, walwalna ka qabay autism-ka, aad ayaana ugu fiirsan jiray. Ilaahay amarkiis, niyadda ayaan ku hayay xitaa markii uu sidaas u dhashay iyadoo aanan wax calaamado ah ka arkin. Fadlan hoos ka akhri waxyaabihii ugu horreeyay ee aan ka dareemay.



Dhaqdhaqaaqiisa iyo sida uu murqaha u isticmaalayey:


Markii uu dhashay oo uu maalmo yar jiray, waxaan bilaabay inaan caloosha ku seexiyo marka uu soo jeedo, anigoo muddo yar ku daynaya si ay murqaha luqunta, gacmaha, iyo garbaha ugu adkaadaan, taasoo u sahlaysa inuu madaxiisa kor u qaado. Muddo gaaban kadib, wuxuu awood u yeeshay inuu madaxiisa kaligiis kor u hayn karo. Sidoo kale, waxaan ku tababari jiray inuu fadhiisto anigoo ku fadhiisin jiray dhabtayda iyadoo aanan isticmaalin wax kursi ah ama qalab kale, maadaama mararka qaarkood caruurta haddii lagu daayo kursi muddo dheer ay dib u dhac ku imaan karto horumarka murqahooda. Wuxuu si buuxda u bartay fadhiga markii uu gaaray shan bilood.


Wuxuu awood u lahaa inuu isticmaalo murqihiisa yaryar sida inuu far iyo suul wax kaga soo qaado dhulka, inuu alaabta lagu ciyaaro qabsado oo uu isku garaaco, sidaas darteed wax dib u dhac ah kama muuqan dhanka xirfadaha isticmaalka murqaha yaryar (fine motor skills). Si kastaba ha ahaatee, waxaan dareemay kadib barashadiisa fadhiga inuu ku daahay fadhiga oo uusan si degdeg ah u baran sida loo gurguurto. Wuxuu bilaabay inuu gurguurto isagoo ku dhow 11 bilood. Horey uguma aanan arkin dhib inay tahay, maadaama ay jiraan carruur gadaal ka gurguurata oo aan qabin baahi gaar ah ama carruurta gurguurashada ka booda oo toos u socda, laakiin hadda waxaan ogaaday inay noqon karto calaamad muujinaysa autismka, taas oo ah inuu wax qabatimo oo wax yaabaha qaar uu joogteeyo markuu la qabsado, taasna ay noqon kartay sababta keentay inuu qabatimo fadhiga.


Sidoo kale gurguurashadii buu mar kale ku daahay, inakastoo uu bilaabay inuu meelaha qabsado sida kuraasta iyo darbiyada saasna uu ku socdo, talaabo madax banaan ma uusan qaadin ilaa uu ka gaadhay 18 bilood. sababtan iyo kuwo kale oo gadaal ku qorani waxay ahaayeen waxii ugu horeeyey ee igu dhaliyey inaan caawimaad u raadiyo.



Hadalka iyo xadhiidhka:


Sidaan hore u sheegay, Xamse si caadi ah ayuu u hadaaqi jiray, wixii la weydiiyana wuu fahmi jiray. Fahamka iyo garaadkiisu dhibaato kama muuqan, tusaale ahaan, isagoo sagaal bilood jira, haddii aan idhaahdo ‘sacabi’, wuu sacbin jiray. Magaciisana wuu garanayay, oo haddii loogu yeedho wuu soo jeedsan jiray. Si kastaba ha ahaatee, ma uusan isticmaali jirin farta si uu wax u tilmaamo sida caadiga ah caruurta ka hor inta aysan hadalka baran ay wax u tilmaamaan, taas oo ay ku muujinaayaan waxay doonayaan. Sidoo kale, ma uusan noo soo jeedin jirin wax uu arkay si uu moola wadaago. Qodobadan waa muhiim in ilmuhu sameeyo marka ay gaaraan sanad jir, waxayna muujinayaan in ilmuhu awood u leeyahay inuu xiriir sameeyo oo uu wax la wadaago qof kale iyadoon erayo la isticmaalin.


Sidoo kale, Xamse ma isticmaali jirin hadal. ‘Hooyo’ ama ‘aabe’ ma dhihi jirin, kaliya ‘mummy’ ayuu dhihi jiray marka uu wax ka cabanayo ama ooyayo. Tani waxay ahayd sababta labaad ee aan u go’aansaday inaan wiilkayga u helo caawimaad waqti hore.



Xagga hurdada:


Xamse si aad ah ayuu u hurdo xumaa; markii hore, waxaan moodayay inay tahay da’diisa ama naaska uu nuugayo oo sabab u ah. Markii uu gaaray 18 bilood, waxaan joojiyay naaska maadaama aan dhib badan kala kulmay oo xitaa mararka qaarkood soo tooso ilaa 12 jeer habeenkii, isagoo naaska sii dayn jirin ilaa uu ka bogto. Waxaan rajaynayay inuu baran doono sida loo seexdo si wanaagsan markuu naaska joojiyo, laakiin taasi ma dhicin.



Xagga cunta:


Markii uu bilaabay inuu cunto cuno, wuxuu ahaa 6 bilood jir. Muddadii 18-ka bilood ee ugu horreysay, wuxuu cabi jiray naas iyo caano, waxuuna cuni jiray noocyo kala duwan oo cunto ah (markii uu cunista bilaabay). Hase yeeshee, kadib markii aan naaska ka joojiyay markuu gaadhay 18 bilood, wuxuu bilaabay inuu diido cuntooyinkii uu hore u cuni jiray, isagoo muujiyay cunto xumo aad u badan.



Xagga araga iyo maqalka:


Aragga iyo maqalkuba waxay ahaayeen kuwo caadi ah. Mararka qaarkood, dib u dhaca hadalka waxaa sababi kara cillado la xiriira aragga ama maqalka marka waa muhiim in la hubsado inaysan cilladu xaggaas ka socon.



Dareemayaasha


Wiilkaygu wuxuu had iyo jeer jecel yahay inuu seexdo dhulka ama dhanbacaadsado, mana fadhiyo muddo dheer marka uu wax ku ciyaarayo ama daawanayo, gaar ahaan markii uu ka weynaaday 18 bilood.


Markii aan arkay calaamadahan, gaar ahaan socodka oo uu ka soo daahay isagoo aan qaadin talaabooyin madax bannaan 18 bilood jirkiisa, iyo hadalka oo ka soo daahay, waxaan go’aansaday inaan caawimaad raadiyo markii uu jiray 18 bilood. Hadda, fahamkayga ku saabsan autism-ka markuu korodhay, waxaan dareemayaa inuu lahaa calaamado kale sida hurdo xumada iyo wax qabatinka sida fadhiga oo uu ku daahay kadibna gurguurashada uu ku dhegay, inkastoo markii hore walwalkaygu ahaa socodkiisa iyo hadalkiisa. 


Dad badan, oo ay ku jiraan kuwa daryeelka caafimaadka caruurta ee loo yaqaan ‘health visitors’, waxay ii sheegeen inaysan ahayn dhibaato weyn inuusan  hadlin oo uuna saconin  asagoo jira 18 bilood, gaar ahaan maadaama uu meelaha qabsanayay si uu u socdo. Balse, waxaan go’aansaday inaan caawimaad u raadiyo Xamse maadaama aan ogaa muhiimadda ay leedahay in ilmuhu helo caawimaad hore iyo sida ay uga caawin karto horumarkiisa. Sidaas darteed, si aan caawimaad u helo ama walwalkayga aan dhinac isaga rido, waxaan la xidhiidhay dhakhtarka guud (GP).


Waxaan kala kulmay gadaal kala soco…

 

 

 

Fiiro gaar ah:

Fadlan la soco, haddii aad ka walwalsan tahay wax ku saabsan ilmahaaga ama aad dareemayso waa muhiim inaad raadiso xirfadle kaa caawin kara. Xitaa haddii xirfadlayaasha qaarkood ku yiraahdaan in ilmahaagu aanu wax dhib ah qabin oo aad weli ku qanacsanayn, waa muhiim inaad sii laba jibaarto dadaalkaaga. Xusuusnow, adiga ayaa ah afhayeenka ilmahaaga, cidna uma oga baahida ilmahaaga sida aad adigu u ogtahay. Waxaan dhamaanteen jecelnahay in la yiraahdo ilmahayagu ma qabo wax dhib ah, laakiin sidoo kale waa muhiim inaadan iska indho tirin xaqiiqada oo aad mar walba xasuusnaato in go’aamada aad gaarto ay si toos ah u saameyn doonaan nolosha dambe ee ilmahaaga.