Tallaabada Koobaad: La Xidhiidhida GP-ga

Markii aan ogaaday in wiilkayga Xamse uusan isticmaalayn erayo si uu xidhiidh u sameeyo, uusan adeegsanayn farta ama jidhka si uu u muujiyo waxa uu rabo, isla markaana uusan qaadayn tallaabooyin madax-bannaan isagoo jira 18 bilood, waxaan go’aansaday inaan raadiyo caawimaad anigoo aan dheg jalaq u siinayn dadkii igula taliyay inaanay jirin wax dhibaato ah […]

Tallaabada Koobaad: La Xidhiidhida GP-ga Read More »

Dhalashada wiilkeyga

Wiilkayga waxaa shan sano ooga hadhsan shan maalmood, waxaana sheekadiisa ka bilaabayaa uur galkiisii hore si aan ula wadaago xaaladihii ku xeeranaa dhalashadiisa iyo calaamadihii ugu horreeyay ee igu dhiirrigeliyay inaan isleeyahay wuu yeelan karaa autism. Haddii aadan hore u akhrisan sababta aan arrimaha wiilkayga ugu qorayo boggan, waa inaan la wadaago waalidiinta kale ee

Dhalashada wiilkeyga Read More »

Asperger’s Syndrome iyo Autism: Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya?

  Autism Spectrum Disorder (ASD) waa erey ballaaran oo matalaya noocyada kala duwan ee xaaladaha autism-ka, oo ay ka mid tahay Asperger’s Syndrome. Inkastoo labada xaaladood ay wadaagaan calaamado badan, haddana waxaa jira kala duwanaansho u dhexeeya. Isticmaalka erayga ‘Asperger’s syndrome’ waxaa la joojiyay sanadkii 2013, markii ay bahda caafimaadka go’aansadeen in dhammaan heerarka kala

Asperger’s Syndrome iyo Autism: Waa Maxay Farqiga U Dhexeeya? Read More »

Waa Maxay Applied Behavioral Therapy? Faa’iidooyinkiisa iyo dhibka ka iman kara.

Applied Behavioral Therapy (ABT), oo sidoo kale loo yaqaan Applied Behavioral analysis (ABA), waa hab cilmiyeed oo diiradda saaraya fahamka iyo beddelidda habdhaqanka bani’aadamka. Waxaa badanaa loo isticmaalaa caawinta carruurta qaba Autism Spectrum Disorder (ASD), laakiin waxaa sidoo kale laga faa’iidaystaa meelo badan oo kale. Halkan ka akhriso faa’iidoonyikiisa iyo dhibka ka iman kara.  

Waa Maxay Applied Behavioral Therapy? Faa’iidooyinkiisa iyo dhibka ka iman kara. Read More »

Waa maxay calaamadaha lagu yaqaan ama lagu garto autism/otisim?

Calaamadaha lagu aqoonsado autism-ka caruurta yar yar waxaa loo qeybin karaa saddex qeybood: dhibaatooyinka ku saabsan xiriirka iyo dhaqanka bulshada, caqabadaha la xiriira dabeecadda, iyo dhibaatooyinka dareemayaasha. Waa muhiim in la ogaado in aanay dhammaan caruurtu isku si u muujin caqabadahan; saameyntoodu way kala duwan tahay, qof walbana si gaar ah ayuu ugu kala duwan

Waa maxay calaamadaha lagu yaqaan ama lagu garto autism/otisim? Read More »