Caafimaadka maskaxda iyo sida waalidiinta leh ilmo qaba otisim ay u ilaashan karaan.

Ma jiro shaki ah in korinta caruurta ay tahay hawl u baahan dadaal, samir, iyo juhdi badan. Waalidiinta, gaar ahaan hooyooyinka, waxaa saaran culays weyn maadaama mas’uuliyadda qoyska oo dhan ay ku tiirsan tahay, taas oo keenta inay waqtiga ugu badan la qaataan ubadka. Marka ilmuhu leeyahay baahiyo gaar ah sida autism/otism, culayska iyo cadaadiska saaran waalidka ayaa sii kordha, iyagoo ka walwalsan xaaladda ilmahooda iyo la tacaalidda nolol maalmeedkooda. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in waalidiinta caruurta qaba autism/otism ay ka fikiraan caafimaadkooda maskaxda, isla markaana ay ku dadaalaan inay xoojiyaan badqabka maskaxdooda si ay ugu noqdaan kuwo waxtar u leh naftooda iyo tan ubadkoodaba si joogto ah.

 

 

  1. Ilaaheey isku xidh

     

    Ku xidhnaanta Ilaahey waa muhiim maadaama aan nahay muslimiin. Qodobka ugu muhiimsan ee caafimaadka maskaxdeena waa inaan mar walba xasuusnaano Ilaahey. Sida uu Ilaahey ku sheegay Qur’aanka, qalbigu wuxuu ku degaa xasuusta Allah. Waxaad Ilaahey ku xidhi kartaa adigoo:

     

    – Joogteeya akhriska Qur’aanka, oo ka dhig maalinle.
    – Salaadaha shanta ah ha ka tagin.
    – Badi adkaarta, oo isku day inaad joogteyso.
    – Aqbal qadarta Allah, ogow inuu qof walba noloshiisa qorsheeyey.
    – Iska ilaali dhageysiga heesaha iyo waxyaabaha aan nafis u keeneyn.
    – Ka fogoow meelaha sheekooyinka aan micnaha lahayn iyo xanta.
    – Xadid isticmaalka baraha bulshada, si aadan isu barbardhigin dadka kale.

    2. Aqbal oo faham autismka: Aqbal in ilmahaagu qabo autism, oo samir yeelo.
    – Baro waxyaabaha la xiriira autismka, astaamaha, iyo sida loo taageero ilmaha.


    3.  Raadi taageero: ku biir kooxo taageero waalidiinta caruurta qaba autismka.


    -4. Daryeel naftaada: baro farsamooyinka nasashada sida yoga iyo neefsashada qoto dheer.

5. Barashada iyo Tababarka :Ku tababaro xirfadaha maamulka cadhada iyo walaaca. Baro tababarka maskaxda iyo habab kale oo kaa caawin kara inaad si fiican u maareyso dareenkaaga.

6. Raadi Kaalmo: Marka aad dareento inaad ku jirto xaalad adag oo aanad awoodin inaad adigu kaligaa wax ka qabato, ha ka baqin inaad raadsato kaalmo. Kaalmooyinka bulsho iyo adeegyada bulshada ayaa kuu noqon kara gargaar weyn.

7.Caafimaadka Jirka: Caafimaadka maskaxdu wuxuu ku xiranyahay caafimaadka jirkaaga. Hubi inaad si wanaagsan u seexato, cunno nafaqo leh aad qaadato, oo aad si joogto ah u jimicsi sameyso.

8. Dadaal

Hirgelinta iyo ku dhaqanka talooyinkan kor ku xusan maaha hawl fudud marka aad daryeesho ilmo qaba autism, gaar ahaan haddii baahida ilmuhu tahay mid aad u weyn. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah inaad mar walba daryeesho caafimaadkaaga maskaxeed. Isbeddel kasta oo aad dareento, waa inaad si degdeg ah ula xiriirtaa taageero, taasoo kaa caawin doonta in culayska kugu sii kordhin oo aadan xad-dhaaf noqon.
Waxaan sidoo kale bulshada inteeda kale ku dhiirigelinaynaa inay fahmaan oo ay taageeraan waalidiinta caruurta qaba autism, si ay uga caawiyaan in qoysaskooda iyo caruurtooda helaan nolol tayo leh. Tani waxay gacan ka geysaneysaa dhismaha bulsho isku xiran oo isu naxariisata.