Waa Maxay Applied Behavioral Therapy? Faa’iidooyinkiisa iyo dhibka ka iman kara.

Applied Behavioral Therapy (ABT), oo sidoo kale loo yaqaan Applied Behavioral analysis (ABA), waa hab cilmiyeed oo diiradda saaraya fahamka iyo beddelidda habdhaqanka bani’aadamka. Waxaa badanaa loo isticmaalaa caawinta carruurta qaba Autism Spectrum Disorder (ASD), laakiin waxaa sidoo kale laga faa’iidaystaa meelo badan oo kale. Halkan ka akhriso faa’iidoonyikiisa iyo dhibka ka iman kara.

 

Waa Maxay Applied Behavioral Therapy?

Applied Behavioral Therapy waa nidaam cilmiyeed oo lagu cabbiro loona isticmaalo in lagu beddelo habdhaqanka bani’aadamka iyadoo la adeegsanayo mabaadi’da cilmi baarista dhaqanka. ABT waxay isticmaashaa farsamooyin kala duwan oo cilmiyeed si loo gaaro isbeddel waara oo la taaban karo. Qorshayaasha ABT waxaa lagu saleeyaa baahiyaha iyo dabeecadaha gaarka ah ee qofka, iyadoo la isticmaalayo hab talaabo-talaabo si loo horumariyo xirfadaha aasaasiga ah ee nolosha.

 

Mabda’a Aasaasiga ah ee ABT

    1. Fahamka Dabeecadaha: ABT waxay ku salaysan tahay fahamka in dabeecadaha bani’aadamka ay yihiin kuwo la baran karo oo la beddeli karo.

    1. Dhiirrigelinta iyo Abaalmarinta: Waxaa la isticmaalaa mabaadi’da dhiirrigelinta (reinforcement) iyo ciqaabta (punishment) si loo beddelo dabeecadaha. Tusaale ahaan, dabeecadaha wanaagsan ayaa la xoojiyaa iyada oo la siinayo abaalmarin, halka dabeecadaha aan la rabin la yareeyo ama la baabi’iyo iyadoo la adeegsanayo ciqaabyo fudud.

  1. Habka Talaabo-talaabo: ABT waxay isticmaashaa qaab talaabo-talaabo, taaso suurta galisa in in yar yar wax loo baro qofka sii loogu fududeeyo tababarka uuna u nqodo mid raad leh.
 

Faa’iidooyinka Applied Behavioral Therapy

    1. Horumarinta Xirfadaha Aasaasiga ah: ABT waxay ka caawisaa carruurta iyo dadka waaweyn horumarinta iyo kobcinta xirfadaha aasaasiga ah sida hadalka, bulsho la dhaqanka, iyo isku filnaanshaha.

    1. Yareynta Dabeecadaha Aan La Rabin: Waxay waxtar u leedahay yareynta dabeecadaha aan la rabin sida xanaaq badan, diidmada cuntada, ama dabeecadaha kale ee dhibaatada leh.

    1. Natiijooyin La Qiyaasi Karo: Faa’iidooyinka iyo horumarka laga sameeyo tababrka waa kuwo la cabbiri karo oo muuqda, taas oo sahlaysa in la ogaado heerka horumarka iyo guusha la gaaray.

  1. Cilmiyeysan oo La Tijaabiyey: Waa hab cilmi ahaan loo tijaabiyey oo la ogaadey inuu waxtar leeyahay, gaar ahaan tababarka carruurta qaba autism.
 

Dhibaatooyinka ka dhalan kara Applied Behavioral Therapy

    1. Waqti Badan iyo Khidmad Sare: Tababarkani waxay qaadan kartaa waqti dheer waxaana laga yaabaa inay kharash badan ku baxdo, taasoo laga yaabo inay dhibaato ku noqoto qaar ka mid ah qoysaska.

    1. Khayraadka oo Yar: Waxaa jira baahi weyn oo loo qabo xirfadlayaal ku takhasusay tababarka, gaar ahaan meelaha miyiga ah, taas oo keenta in adeegga la heli karo uu yaraado.

  1. Doodaha Anshaxa: Qaar ka mid ah dadka iyo khubaradu waxay ku doodaan in habka loo adeegsado dhiirrigelinta iyo ciqaabta ay noqon karaan kuwo dhaawac gaarsiiya qofka, gaar ahaan haddii aan si habboon loo isticmaalin. Waxay tilmaamayaan in qaabkani uu muujinayo dadka qaba autism-ka inay yihiin kuwo u baahan in la beddelo, taasoo meesha ka saaraysa inay yihiin bani’aadam dareen leh oo mudan in la fahmo, halkii ay ka ahaan lahaayeen kaliya dabeecado u baahan in la hagaajiyo.
 
 

Applied Behavioral Therapy waa hab cilmiyeed oo muhiim ah oo leh faa’iidooyin badan marka loo isticmaalo xaaladaha habboon. Balse waxaa aad muhiim u ah marka laga hadlaayo ABT in si fiican loo fahmo, loona tixgeliyo baahiyaha gaarka ah ee qofka, si loo xaqiijiyo in daaweyntu tahay mid waxtar leh, ammaan ah, oo shakhsi ahaaneed. Tani waxay ka caawin doontaa qoysaska iyo xirfadlayaasha inay gaaraan go’aamo sax ah oo ku saabsan caawinta iyo waxbarashada caruurtooda ama ehelkooda.

 

Anigu shaqsi ahaantahyda ma aaminsani in la isticmaalo ciqaab si dabeecad aan la rabin loo badalo, khaasatan marka la fiiriyo in ay yihiin caruur yaryar oon fahansaneyn muhiimda tababarkan. Waxaan aaminsanahay inay khalad tahay in ilmo yar oo saqiir ah la aaminsiiyo in wax ka khaldanyihiin qasabna loo badalaayo oo looga saxaayo waxa ka qaldan. M axaa yeeylay waxay dhalin kartaa in ilmuhu ku waynaado cuqdad iyo inuu dareemo cidlo maadama dabeecadaha lagu ciqaabayo ay yihiin kuwo ayna iska keenayn balse ayaga u ah dabiici. Waxa igala haboon meesha laga ciqaabayo ilmaha in loo sharaxo sababta ficilka ka dhigaysi mid aan fiicnayn laguna celceliyo ilaa ay ka fahmaan, waana mid aan tijaabiyey shqsiyan oo u shaqeysa wiilkeyga. Qaybta kale ee tababrkan ee ah in la abaal mariyo dhaqanka fiican si loo dhiiri galiyo waan ku raacsanahay waana mid aan isku dayo inaan aniguba u isticmaalo wiiilkayga aana ka dareemo is badal wanaagsan.

 

Maadama inta badan dadkeenu ku noolyihiin meelo aan laga helin adeegyadan, waxaa muhiim ah in waalidiintu naftooda wacyigaliyaan oo ay isku dayaan inay bartaan qaababka lagu caawiyo caruurta qaba autism/otisim si ay ayagu gurriga ugu caawiyaan. 

 

Halkan ka akhriso: See loo caawiya caruuta qabta autism?