Waa maxay aragtida ku aadan Autism-ka ee Bulshada Soomaaliyeed?

Autism-ka (ASD) waa xaalad saamaysa hab-dhaqanka, isdhexgalka bulshada, iyo horumarka luqadda qofka. Inkastoo uu yahay xaalad caalami ah, aragtida iyo fahamka ku aadan autism-ka ay qabaan bulshooyinka ka la duwan way kala gadisanyihiin. Qoraalkan waxaan ku eegaynaa sida bulshada Soomaaliyeed u aragto autism-ka, caqabadaha ay la kulmaan qoysaska Soomaaliyeed, iyo tallaabooyinka lagu hagaajin karo wacyi-gelinta iyo taageerada.

Qaybta 1: Fahamka iyo Aragtiyaha Bulshada Soomaaliyeed

    • Fahmada Guud: Bulshada Soomaaliyeed waxay leedahay aragtiyo kala duwan oo ku saabsan autism-ka, oo inta badan ku saleysan aqoon yar iyo macluumaad khaldan. Qaar ka mid ah dadka waxay u arkaan autism-ka inuu yahay xaalad caafimaad oo la daweyn karo sida hargabka ama malaariyada, halka kuwa kalena ay u arkaan inuu yahay natiijo ka dhalatay sixir ama hab-dhaqan aan habboonayn. Waxaa jira dad aaminsan in hooyadu u sababtahay xalaada ilmaha heysata, halka qaarna aynaba aqoonsaneyn wax la yidhaahdo autism. Soomalida qaar waxay aaminsanyihin autsimku inuu yahay cudur kaas oo laga keenay qurbaha oon laga aqoon waddanka guduhiisa, in afka Soomaliga wax udhigma erayga autismkana uuna ku jirin waxay sii xoojisa fikirnakan.  Waxaa kaloo dadka qaar aaminsanyihiin in autismka ay keenaan talaalada caruurta la siiyo markay yaryihiin siiba kan jadeecada iyo qixida taas oo sababta in Soomali badani ayna caruurtooda talaalin.  Fikradahaan oo dhan waxaa laga soo wariyey cilmi baadhis lagu sameeyey bulshada Soomaliyeed taas oo muujineysa in fikiradahan ay ka dhan tahay bulshada Soomaaliyeed.

    • Sumcada iyo Culeyska: Waxaa cilmi baadhisayada lagu Sameeyey bulshada Soomaliyeed ay muujinaayaan in Autism-ka loo arko sumcad xumo, taas oo keenta in qoysaska qaar ay qariyaan xaaladda ilmahooda. Qoysaska waxaa laga yaabaa inay ka baqaan in la takooro ama lagu eedeeyo inaysan si fiican u tarbiyeyn carruurtooda.

Qaybta 2: Caqabadaha Ay La Kulmaan Qoysaska Soomaaliyeed

    • Helitaanka Adeegyada Caafimaadka: Qoysaska Soomaaliyeed ee la nool autism-ka waxay la kulmaan caqabado badan oo ay ku jiraan helitaanka adeegyada caafimaadka iyo kuwa waxbarashada. Waxaa dhibaataan aad u wajaha qaysaka ku nool waddanka Soomaaliya guduhiisa, maadaama adeegyada iyo xirfadlayaasha ku takhasusaycaawinta caruurta qaba baahida gaarka ah sida autism-ka ay ku yaryihiin.

    • Wacyi-gelinta iyo Aqoon Yarida: Waalidiinta Soomaaliyeed inta badan ma helaan macluumaadka saxda ah ee ku saabsan autism-ka. Tani waxay keentaa faham khaldan oo ku saabsan xaaladda iyo sida loo maareeyo. Khaasatan macaluumdka ku saabsan autism-ka ee Afka Soomaliga ku qorani way ku yaryihiin baraha internetka, sidoo kale waxaa yar buugaagta lagu daabacay macluumdka autism-ka eek u qoran Afka Soomaaliga.

    • Waxbarashada iyo Taageerada Iskuulka: Carruurta Soomaaliyeed ee leh autism-ka waxay la kulmaan caqabado iskuulka, sida helitaanka adeegyada taageerada ee ku habboon. Iskuulada badankood ma hayaan barnaamijyo gaar ah oo loogu talagalay carruurta leh baahiyaha gaarka ah. Dhibaatadni waxay aad ula daristaa dadka ku nool Soomaaliya gudaheeda.

    • Caqabadda xagga luuqada: Soomaalida qurbaha ku nool waxaa heysata caqabad xagga fahanaka luqada ah taas oo ka hor istigaada in waalidiin badani ay uraadiyaan caruurtooda caawimaad ama ay fahmaan warbixinada la siiyo si ilmahooda ay u caawiyaan.

    • Aqoon darro xagga habka xarumada caafimaadka u shaqeeyaan – Cilmi baadhis lagu sameeyey Soomaalida dagan wadanka UK waxay muujisay in waalidiin badan aysan aqoon u lahayn halkay caawimaad u raadsan lahaayeen iyo sida adeegyada kala duwan ee caafimaad ku u shaqeeyaan. Caruurta qaba autismka inta badan waxa la shaqeeya xirfadleyaal kala duwan oo iskaashday taasna waxay keenta in Waalidiin badan aysan aqoonin waxa Xirfadle kasta uu u qabto ilmahooda taasna ay daciifiso wada shaqeynta xirfadlaayaasha iyo waalidiinta.

Qaybta 3: Tallaabooyinka Lagu Hagaajin Karo Fahamka iyo Taageerada

    • Wacyi-gelinta Bulshada: Waa muhiim in la kordhiyo wacyi-gelinta iyo aqoonta bulshada ee ku saabsan autism-ka. Ololaha wacyi-gelinta ayaa ka caawin kara qoysaska inay fahmaan xaaladda oo ay raadsadaan caawimo.

    • Tababarada iyo Kheyraadka: Sii tababarida waalidiinta iyo macalimiinta si ay u bartaan sida ugu wanaagsan ee loo taageeri karo carruurta leh autism-ka. Ururada caafimaadka iyo kuwa bulshada waa inay bixiyaan kheyraad iyo adeegyo taageero, gaar ahaan waddanka Soomaliya guduhiisa.

    • Dhaqan-Aqoonsiga Adeegyada: Waa muhiim in adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ay ahaadaan kuwo dhaqanka aqoonsanaya. Taas macnaheedu waa in la tixgeliyo dhaqanka iyo caadooyinka bulshada Soomaaliyeed marka la siinayo adeegyada.

    • Fahamka haba xarumada caafimadka u shaqeeyaan – Waalidiinta ku nool qurbaha waa inay naftooda wacyi galiyaan oo ay bartaan qaabka xarumada caafimaadka ee waddanka ay joogaan u shaqeeyaan si ay xirfadlayaasha ku haboon ugu raadiyaan caruurtooda.

    • Fahamka luqadda – Walaalidiinta qurba joogta ah waa inay juhdi iyo dadaal galiyaan sida ay u baran lahaayeen luqadda waddanka ay joogaan, taas waxay u fududeynaysaa in aygu ilmahooda ay afhayeen u noqdaan oo si buuxda afkooda ugu gudbiyaan baahida ilmahooda taas oon mar walba suurta gal ahayn hadii aad turjumaan isticmaaleysid. 

Fahanka iyo aragtida autism-ka ee bulshada Soomaaliyeed waxay u baahan tahay in la hagaajiyo iyadoo la kordhinayo wacyi-gelinta iyo bixinta adeegyo taageero oo ku habboon. Waa muhiim in qoysaska Soomaaliyeed ee la nool autism-ka ay helaan taageero buuxda iyo macluumaad sax ah si ay uga caawiso inay si wanaagsan u taageeraan carruurtooda.

Wax walba meel buu ka bilawdaa, gacmana wada jir bay wax ku gooyaan sidaas awgeed qof walba oo Soomaali ah haduu heysto ilmo qaba autism iyo hadii kaleba waa inaan xoojinaa ololaha wacyi galinta bulshada si aan u helno bulsho isku xidhan oo taageerda kuwooda ay Saameysay xaaladdan autism-ka si ay u helaan nolol tayo leh oon lagu takoorin.