Calaamadaha lagu aqoonsado autism-ka caruurta yar yar waxaa loo qeybin karaa saddex qeybood: dhibaatooyinka ku saabsan xiriirka iyo dhaqanka bulshada, caqabadaha la xiriira dabeecadda, iyo dhibaatooyinka dareemayaasha. Waa muhiim in la ogaado in aanay dhammaan caruurtu isku si u muujin caqabadahan; saameyntoodu way kala duwan tahay, qof walbana si gaar ah ayuu ugu kala duwan yahay caqabadaha uu la kulmo.
Dhibaatooyinka ku saabsan xadhiidhka iyo la dhaqanka bulshada
Calaamadahan waxay inta badan ku jiraan carruurta qaba autism-ka. Waxaa lagu gartaa carruurta oo hadalka ka soo daaha ama ku dhibtooda, caruurta oo aan si toos ah u eegin qofka ay la hadlayaan, ama dareenkooda wajigooda ku muujin, ama soo celceliya erayo iyo dhaqdhaqaaqyo gaar ah.
Waxaa kaloo caqabadani keentaa inuu ilmuhu magaciisa usoo jeedsan waayo oo uuna fahmin in asaga loo yeedhaayo. Waxay sababi kartaa in ilmuhu kaligiis ciyaaro, oo uu la ciyaari waayo carruurta kale, kuna adkaato samaynta xiriir bulsho iyo saaxiibtinimo. Xitaa haddii uu saaxiibo yeesho, waxaa ku adkaan karta inuu sii haysto saaxiibtinimadaas muddo dheer. Waxaa kale oo ku adag inay fahmaan dareenka dadka kale, taasoo keenta inaysan tixgelin dareenka qofka kale, waxaana ku adag inay fahmaan fariimaha aan erayada ahayn sida gacan ka hadalka iyo jidh-dhaqdhaqaaqa. Waxaa sidoo kale ku adkaan kara inay fahmaan sheekooyinka ama kaftanka, taasoo keenta in mararka qaarkood ay yiraahdaan erayo aan ku habboonayn xaaladda. Mararka qaarkood, waxaa dhici karta in ilmuhu ku hadlo cod ka duwan kan caadiga ah, sida inuu cod hoose isticmaalo ama cod dhuuban isticmaalo.
Dhammaan calaamadahan waxay tilmaamayaan dhibaatooyinka ku saabsan xiriirka iyo dhaqanka bulshada. Ma aha lagama maarmaan in dhammaan calaamadahan ay ku kulmaan ilmo kasta, heerka dhibaatadu gaarsiisan tahay iyo inta uu ilmo walba ka qabo way kala duwanaan karaan, laakiin waa calaamado guud.
Caqabahada la xadhiidha dabeecada
Autism waxay keeni kartaa in ilmaha qabaa la yimaado dabeecado u gooni ah sida:
- inuu ficilo khaas ah kusoo celceliyo maanta dhan sida, in uu hal meel ku wareegeyso wakhti dheer, inuu sacabiyo maanto dhan, inuu gacmaha wadhfiyo ama dhaqdhaaqijo muddo dheer, inuu or ordo oo uusan fadhiisan hal meel iyo in uu faraha hore ee luga kusocdo asagoo cidhbahana kor u qaadaya.
- inuu waxuu ku ciyaaro maanto dhan uu saf galiyo meeshuu ka ciyaari lahaa, ama inu hal meel uun kaga ciyaaro, sida gaadhiga shaagiisa oo kaliya inuu maanta dhan wareejiyo oo uusan wax kale ku samayn. Sidoo kale waxaa dhici karta inuusan aqoon ciyaarta mala awaalka ah ee caruurtu abuurato.
- inuu ilmuhu attension kiisa yaryahay oo uuna u fadhiisanayn wakhti badan waxuuna rabin.
- inuu xiisa gooni ah oo xad dhaaf ah wax yaabaha qaar u qaado, kuwaas oo uuna samayntooda ka daalayn. wax yaabaha uu xiisaynayo kolba way is badli karaan.
- inuu wax joogteeyo oo sidii wax loo qabto ama jadwalka u dagan aana wax laga badli karin…sida hal waddo uun in maalin kasta la qaado markii iskuul la gayn, ama uu doonayo hal weel inuu wax ku cuno ama hal cunto cuno (cunto xumo, badana waxay ka dhalataa caqabadaha xaga dareemayaasha) iyo waxii la mid ah. Calashaan isbadal inuu ku yimaado noloshooda ma jeclo oo dhibaato ayay ku tahay. Badana ujeedadooda uun bay raacaan oo ma doonayaan wax ayna rabin.
- Waxaa suurtowda caruurta qaar inay sameeyaan waxyaaba naftooda halis ku ah sida inay madaxa la dhacaan darbiga ama kursiga madaxa la dhacaan ama ay or ordaan ayagoon u fiirsan halkay u socdaan oo kolba meel ku kufa.
- waxa sidoo kale dhacda caruurta qaba autism in markay wax qoonsadaan ay saa’id u ooyaan muddo dheer oo wax aamusiiyo la waayo, xitaa hadii ay helaan waxay rabeen ma joojiyaan oohinta.
- waxaa kaloo lagu arkaa caruurta qaar in ay dhawaqyo kala duwan ku soo celceliyaan khaasatan markay caajisaan ama daalanyihiin sida in ay dhahaan; ee eeee eee ama duhduh duh duh iyo cod aan micno sameyneyn.
Caqabadha xagga dareemayaasha
Carruurta qaba autism/otisim-ka inta badan waxay la kulmaan caqabado la xiriira dareemayaasha. Waxaa laga yaabaa in dareemayaashoodu ay ka hooseeyaan ama ka sareeyaan heerarka caadiga ah ee aragga, maqalka, urinta, taabashada, iyo dhadhanka. Tusaale ahaan, carruurta qaar waxay leeyihiin dareen maqal oo aad u sarreeya, taasoo keenta inay shanqarta caadiga ah u arkaan mid aad u xooggan, iyagoo mararka qaarkood dhagaha qabsada. Sidoo kale, carruurta qaar waxay leeyihiin dareen ur oo sarreeya, taasoo keeni karta inay ka dhibsadaan urta cuntooyinka qaarkood sida kuwa xawaashka leh, taasoo sababi karta inay cuntooyinkaas diidaan, kuna koobnaadaan cuntooyin gaar ah sida kuwa qalalan. Carruurta leh dareen ur oo sarreeya waxaa laga yaabaa inay wax walba uriyaan, xitaa dadka ay la kulmaan. Qaar ka mid ah carruurtu waxay jecel yihiin inay taabtaan waxyaabo gaar ah sida ciidda ama waxyaabo adag ( qaar baa neceb waxyyabah jilicda san oo ay sababta inaysan cunin cunto jilicsan), iyagoo ka helaya dareenkaas, ama waxaad arki kartaa iyagoo dhulka jiifa ama si joogto ah ugu dheggan dadka kale, gaar ahaan waalidkood.
Calaamadaha aan kor ku soo sheegay waa kuwa inta badan laga helo carruurta qaba autism-ka, waxaana suurtagal ah inay jiraan calaamado kale oo aan halkan ku xusin sida hurdo xumada iyo kuwo kale. Sidoo kale, waa muhiim in la fahmo inaanay carruur kasta isku mid ahayn ama isku heer dhibaataddoodu ahayn.
Waad ku mahadsantahay inaad akhrisay qoraalkan, hadii aad ka faa’iiday walaal u gudbi dad kale si ay uga faa’iidaan.