Xamse: balamihii u horeeyey

Sida aan horey u soo xusay, la kulantanka xirfadle ilmahaaga qaabila oo caawiya waxay qaadataa wakhti dheer. Tani waxaa sababa baahida jirta oo balaadhan iyo xirfadlayaasha iyo howl qabadka oo yar. Anigu markaan Xamse caawimaad u raadinaayey waxaa intaas sii dheerayd in lagu guda jiray xilligii COVID-19 oo wax kasta bandow baa saarnaa, wakhtiga sugitaankuna way kasii dheerayd sida caadiga ah, khaasatan kuwa tabarka hadalka la kulankoodu. Waa muhiim in waqti hore loo raadiyo caawimaadda carruurta, sababtoo ah haddii dib loo dhigo, waxaa seegmaya waqtiga ugu muhiimsan ee caawimaaddoodu waxtarka u leedahay. Markii aan ballanta kobaad helnay oo aan la kulannay Dhakhtarka carruurta Xamse, wuxuu ahaa 21 bilood jir. Markii aan la kulannay kuwa tababarka hadalka, wuxuu jiray 27 bilood: maxaan kala kulannay?

 

 

La kulankii Dhakhtarka caruurta

 

Markii aan la kulmay dhakhtarka oo aan u sheegay walaaca aan ka qabo, gaar ahaan socodka Xamse iyo hadal la’aantiisa, waxay baartay Xamse. Waxay xaqiijisay in jirkiisu wax dhibaato ah qabin, waxayna ka qaaday dhiig si loo hubiyo inuu jiro xaalad qarsoon oo saameyn karta murqaha. Alxamdulillah, natiijada dhiigga waxay noqotay caadi, mana jirin wax qarsoon oo saameynaya socodkiisa. Waxay ii sheegtay in caruur badan ay mararka qaar dib u dhacaan, sidaas darteed waa inaan sugnaa oo aan aragnaa sida uu noqdo, maadaama hadda aan wax laga qaban karin socodkiisa, waxayna ballan qaaday inay lix bilood kadib mar kale dib u eegi doonto.

 

Aniga ayaa horey u gudbiyey arrimaha hadalka, laakiin waxay iyaduna u gudbisay kooxda dhagaha iyo indhaha si loo xaqiijiyo inaysan jirin wax cillad ah dhankaas. Markii aan weydiiyay fikirkeeda ku saabsan in Xamse autism qabo iyo in kale, waxay ii sheegtay inaysan hadda wax caddeyn ah u hayn, balse maadaama aan Xamse u dirayo Nursery, waxay igula talisay inaan ka codsado inay si dhow ula socdaan oo ay warbixin ka soo gudbiyaan wixii ay dareemaan inta lagu jiro ballanta xigta. Sidaas ayey ku dhammaatay ballanteennii koowaad.

 

 

Lakulankii Qaybta Tababarka Hadalka

 

Kadib toddoba bilood, waxaan helnay ballanteennii ugu horreysay taas oo qaadatay hal saac. Xirfadlihii na qaabilay wuxuu i weydiiyay su’aalo ku saabsan sida uu Xamse yahay hadda, hadalkiisa, iyo sida uu ula xiriirayo baahidiisa dadka kale. Waxaan u sheegay inuusan hadlin, laakiin intii lagu jiray toddobadaas bilood, wuxuu bilaabay inuu ku hadlo xarfaha Ingiriiska (A B C), tirooyinka ilaa 20, iyo qaar ka mid ah midabada, inkastoo codkiisu aad u hooseeyo oo dadka kale aysan fahmi karin waxa uu leeyahay marka laga reebo aniga, xitaa aabihiis ma fahmo. Su’aasha ah sida uu baahidiisa ku soo gudbiyo, waxaan ogaaday inaan badanaa wax walba u qabto oo uusan fursad u helin inuu wax i weydiiyo, taasina waxay ahayd mid ka mid ah khaladaadka aan wax ka bartay. Haddii ilmahaagu hadal lahayn, waa muhiim inaad u abuurto xaalado iyo fursado uu ku muujiyo baahidiisa, haddii aad wax walba u diyaariso oo aad wax walba u sameyso, uma baahna inuu xiriir sameeyo. Tusaale ahaan, koobka caanaha meel sare dhig oo weydii ama waxuu rabo, ku celceli ilaa uu eray isticmaalo ama farta fiiqo.

 

Markii Xamse la qiimeeyay, waxaa la ogaaday inuu dib u dhac ka heysto dhanka hadalka, hase yeeshee, inuu hadalka bilaabay waa arrin rajo leh. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in codkiisa hooseeya marka uu hadlayo aanay dhibaato lahayn, isla markaana la filayo in codkiisu mustaqbalka caddeeyo, balse waxa muhiimka ah waa inuu awood u yeeshay inuu hadal sameeyo.

 

Waxaa naloo qabtay ballan kale oo aan ku soo noqonayno, waxaana sidoo kale naloo qorsheeyay tababar loogu talagalay waalidiinta socon doona muddo shan toddobaad ah, kaas oo waalidiinta lagu barayo sida loola tacaalo carruurta hadalka ku daahay. Sida aan hore u sheegay, xilligaas waxaa jiray bandowga COVID-19, sidaas darteed tababarku wuxuu ahaa mid online ah.

 

Maxaan kala kulanay tababarkii?